Isbadel Dhab ah Hoggaan Daacad ah Mustaqbal Wacan Intaba Waa Yaasiin Cadde

SMS LOVE: Qalin Ayaan Ka Codsaday In Uu Ku Sawiro Isaga Oo Xishoonaya Ayuu Igu Yiri …..

Qalinka ayaan waxaan ka codsaday in uu adiga ku sawiro , isaga oo xishoonaya ayuu iigu jawaabay waan ka xumahay ma awoodo in aan qabto shaqadaan , waxaan weydiiyay sababta? markaas ayuu igu yiri kaliya waxaan aqaan sida loo sawiro dayaxa iyo ubaxa balse ma garanayo sida loo sawiro malaa`ik muuqaal bani`aadan leh(waxaan u xiisay
muuqalkaada qurxoon)
2- Waxa ay i bareen in halkii Saac ay la mid tahay 60-daqiiqo , halkii daqiiqana uu la mid yahay 60- seconds ama il biriqsi , balse waligood iima sheegin halkii second ee aad iga maqan tahay inta ay u dhiganto ( Maqnaashahaaga wuu i dhibayaa)
3-Mararka qaar waxaan ku fekaraa in aduunyada caadaalad ka jirin , waxaana u sabab ah arimo badan oo aan necbeestay balse hadda sidii ku nici karaa aduunayadaan macaan waayo adiga ayay ii sahahay in aan ku helo .
4- Sidee aan ku leeyahay waan ku jeclahay maanta ? maxaa yeelay beri ayaan ku leeyahay hadana maalinta ku soo xigta hadana ku sii xigta hadaba inta uu garaaca wadnaheyga uu shaqeynayo waan ku jeclahay .
5- Adiga ayaa i leh , hadaad i nacday igu toogo falaar , balse fadlan ma ah qalbiga maxaa yeelay goobtaas waa meesha aad adiga iiga taal.


Flower210@hotmail.it

1 comment:

  1. Because when love hits you it hits you hard. but it doesnt hurt, thats whats so great about it. Its a feeling that can never be described. Only ever felt.
    love SMS

    ReplyDelete