Isbadel Dhab ah Hoggaan Daacad ah Mustaqbal Wacan Intaba Waa Yaasiin Cadde

Dhacdooyin

Leon John oo ah 45-sano jiro u dhashay wadanka Japan ayaa noqday Arts-tihii aduunka ugu yaabka badnaa 2012-ka isagoona sawiray kuna sawiro Geedo
dushooda muuqaalo aadmi iyo waliba kuwa xawayaan oo ahaa kuwa soo jiitay Indhaha dadyow badan oo u soo daawasha tagay meel fagaara ah oo uu ninkaasi wax ku sawiray.
Mudo 5-sano ayay ku qaadatay in uu ku sawiro intaasi oo muqaalo ah isagoona ku sawirayay geedo aad u fara badan oo ku yaal duleedka magaalada Tokiyo waana halka u fadhiga ah Mr. John xiligaan.
Muqaalada qaarkood ayaa ah kuwa aad kaaga yaabiya ayadoona ay aad u shaabahaan waxa laga damacsanaa ama Aadmi ama xayawaano sida aad uga jeedaan muuqaalada haatan laga soo qaaday Arts-tahaan oo haatan go’aansaday in uu ku noolaado goobta uu ku sawiray intaasi oo muuqaalo.
mr. John ayaa haatan waxa uu caado ka dhigtay in maalin walba uu sawiro muuqaal cusub isagoona waxa uu doonayo u adeegsado qalab uu isaga gacantiisa ku sameystay sida uu u sheegay warbaahita dalkaasi oo ku soo booqatay goobtiisa waxa uuna ugu danbeyntii go’aansaday in halkaasi uu ka sameysto xaruun isagoona go’aansaday in halkaasi uu ku dhinto.


Bahdur Tanji Oo Noqday Ninka Aduunka Ugu Gaaban 
Muwaadinkaan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda wadanka Neebaal ayaa noqday bisha aynu kasoo tilaabsan ninka aduunka ugu gaaban ayadoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay jireen labo nin oo dhalasho ahaan kasoo kala jeeday filibiin iyo Kolombiya nimanka aduunka ugu gaaban.
Bahdur Tanji ayaa noqday ninka aduunka ugu gaaban waxa uuna dhirirkiisa noqday 53-cm halka culeyskiisana uu noqday 12kg taa oo ka dhigeysa in uu yahay waqtiga aan joogno ninka aduunka ugu gaaban waxa uuna codsaday in lagu daro diiwaanka dadka aduunka mucjizada.
Jaraaidka wadankaasi iyo TV-yada ay ahaa kuwa mudooyinkii ugu danbeeyay aad u daabacayay sheekada Bahdur ayadoona ninkaasi da’duusa lagu sheegay 72-sano jir sida muuqaalkiisa aad uga jeedaan.
Bahur Tanji ayaa waxa uu noqon doonaa hadii la waayo qof kale oo kasii gaaban ninka haatan aduunka ugu gaaban sida lagu qoray diiwaan layaabka aduunka lagu qoro.



By: Yaasiin Hussein Mohamed
flower210@hotmail.it

No comments:

Post a Comment