Isbadel Dhab ah Hoggaan Daacad ah Mustaqbal Wacan Intaba Waa Yaasiin Cadde

Dhanbaal Jacayl



Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbikeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan Udgoonka Jaceylka iyo ubaxyada aduunka .
Amranay  waxaan ogaaday in Jaceylku Macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan is ku jeclaanay si dhab ah .
Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo Jaceylkaaga.
                  
Jaceylkeygaay waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga .
      ♥♥♥♥♥♥♥♥♥♥♥♥

Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay Oogada dhulka oo aad igu faraxd galisay Jaceylkaaga .
♥♥♥♥♥♥♥♥♥♥
Xabiibi kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay Beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo .
♥♥♥♥♥♥♥♥♥
Xabiibi waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod ka ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad taal dunida in aa ku qoro Jaceylkada .
Waxaan fariintaani ku soo qorayaa guud ahaan xarfaha Jaceylka oo aan ku soo qorayo dhiigga Qalbikeyga , haddii aan kuu soo qoro erayda kuwo ugu mac ee Jaceylka ma gudi karo xaqaaga , waxaan wadnaheyga ku wadaa wax walba oo uusan qof fileyn hadii aan dadka gabya kuwa wax qura u micneyn lahaana Jaceylka aan ku qabo mucjiso ayay ku noqon laheyd
.
♥♥♥♥♥♥♥♥♥♥♥

No comments:

Post a Comment