Isbadel Dhab ah Hoggaan Daacad ah Mustaqbal Wacan Intaba Waa Yaasiin Cadde

Fariimo jacayl

Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbikeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan uduga Jaceylka iyo ubaxyada aduunka .
Jaceylkeygaay waxaan ogaaday in Jaceylku Macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan ku jeclaaday .
Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo
Jaceylkaasiyo.


Jaceylkeygaay waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga .
Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay oogada dhulka oo aad igu dhandhansiisay faraxda Jaceylka .
Xabiibi kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo .
Xabiibi waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod kan ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad taal dunida in aa ku qoro Jaceylkada .
Waxaan fariintaani ku soo qorayaa guud ahaan xarfaha Jaceylka oo aan ku soo qorayo dhiigga Qalbikeyga , haddii aan kuu soo qoro erayda kuwo ugu mac ee Jaceylka ma gudi karo xaqaaga , waxaan wadnaheyga ku wadaa wax walba oo uusan qof fileyn hadii aan dadka gabya kuwa wax qura u micneyn lahaana Jaceylka aan ku qabo mucjiso ayay ku noqon laheyd
 .

Dhambal Jaceyl :
Macaanto/macaae, Waxaa ii tahay ileys ii baxay waxaa sidoo kale ii tahay Jaceyl aan marna Laabtayda ka go'i karin,Waxaa habeen iyo Maalin Gacaliso/Gacliye i hor taagan waa adiga iyo Riyadaada,Macaaneey/Macaane Waxaan habeen iyo Maalin igu soo kordhaya waa Jaceylka aan ku qabo.
Walaahi Dareenka aad jirkeyga ku leedahay waa mid aan lasoo koobi karin,Laakiin waxaa mararka qaar niyadeyda ku dhistaa in aan Maalin un ku heli doono,Macaaneey/Macanaae la soco in aad nolosheyda gelisay Saaxada Caashaqa oo aad adiga mooyee aysan rabin cid kale.
Waxaan Xalay saqdii dhexe galay Daruuraha Samada iyo Noloshii Jaceylkeen midii ugu manaaceyd,Waxaan dheelalaababa Waxaa la ii lulaayaa Laamihii Jaceylkeena kuwii ugu wacnaayoo abidkeenba aan rabnay.
Adigana Macaaneey/Macaanoow waxaa kaa sugayaa waa in aad dhankaagiyo ka ilaalisaa Caashaqa,Sababtoo ah haddii aanan Caashaqa labadeena wada ilaalin Macaanto dhibkeeda ayey leedahay,Sidaasi darteed waan ku kalsoonahay Jaceylkeena inuu najixi doono oo waliba Guushisa wada qaadan doono.
Inta Dumar/Rag filka'iyo Waxaad tahay Faceed tii u fiicneyd,Umaad dhalan Fudedd iyo Fowdo in aad Abuurtoo Faduul Aadmi maad baran,Fariidaan jaclaayey Fikradaada wacan iyo Fahmadaada Badanbaa Facaa aad ku dhaaftee Alle ii kaa Fayoobee Macaaneey/macaanoow.
Cishqibeygu fidayoo Feeraha dhexdoodiyo Halbowlaha ku faafee,Waxasina waxaa i garsiiyey Waa Codkaaga Dahabiga ah ee lagu laray Dareemihii Jaceylkeyga kii ugu badnaa,Marna ma moogaan karo codkaaga ,sidoo kale marna ma sugi karo inta aan ka helayo Qoraalkaaga iyo Sheekadaada.

Fariin kale :
Waan wada eegay wajiyada aduunka maba arag bashar kaa qurxoon kaana wanaagsan , maba sifeyn laheyn arimahaani oo idil haduusan Jaceylkaada i qaadi laheyn.
Jirkaag siman , indhahaaga qurxoon oo hadii dunida oo idil isu timaado sifeyn karin ayaan u oomanahay ,.
Mana ah markii ugu horeeysay oo aan fariin kuu soo diro oo ay ka muuqdaan Oraahyo muujinaya Jaceylka aan kuu qabo iyo muragada i haysa waxaan kaa sugayaa jawaab guud ahaan iga baabisa muragada aynu ku dheehan tahay ogalaasho ku aadan in aad wax ila qabto
 .

Jawaabta Fariinta:
Waa ay i soo gaartay fariintaadi wareegga dhiiga saameyneysay ayna ka buuxday rabitaanka Jaceylka iyo isu soo dhawaanshaha Jawaabta soo daahday-na waxa ay aheyd mid aan ku eegayay inta uu la eg yahay Sabarkaaga iyadoo aan sugi waaysanaa jawaabtaada ayaa waaxa ii keenay boostaale.
Waan ku farxay aqrinteeda markii aan dhadhamiyay dareenada ka muuqda ee fog ee igu aadan , markii aan si wacan u sii eegayan-na Ilmo ayaa iga soo hoortay .
Waa ikanaa aniga oo kuu soo diraya fariin muujineysa sida niyad samida ah ee aan kaaga aqbalay Jaceylka iyo rajada macaan ee aad ii qabto , waxaana tix gilinayaa ilinta iiga dhacday dhulka markii aan aqriyay fariintaadii ugu dambeeysay ee aad ku soo bandhigtay cudurka ku hayo
.
Fariin kale:
Ka hor inta aan bilaabin qoraalka erayadaani ii ogolaaw in aan muujiyo waxa ka soo baxayo qalbigeyga ee muragada iyo farxadda leh taasi oo ah kuleylka Jaceylka aan kuu hayo .
Ma garanayo meel aan hadal kaaga bilaabo taasina waa karaaca wadnaheyga oo doonayo in aan uu kuula shaqeeyo muragadana iga qaadid , Saacaddii aan ku arkay ilaa hadda indhaheyga waxa ay diideen in ay seexdaan oo ay dhadhamiyaan macaanka hurdada , waxaan kaa fekiraa Habeen iyo maalin waxaan ku riyoodaa in mar uun aan ku heli doono .
In badan ayaan ku kormeerayay mudadaasina waxaan ku ogaaday in aad tahayqof dhowrsoon oo iina qalantana , waxaana dareemay in nafteyda ka maarmin naftaada .
Si aan kuugu muujiyo dareenkaasi waxaan kaa codsanayaa in aad iga aqbashid in aan kuluno
jabaab fariintasi ah
 Wax lala yaabo ma ah in markii aad i aragtay uu kuugu dhacay cudurka indhaha l'a ee Jaceylkaasi ah ,shakigana iigama jira in aad dareemay nooca aragtidaada waxaan dareemay in uun wax jiraan , waadna i hamisay iyadoo aan wax hadal ah na dhex marin sidaa awgeed waxaan kaa ogalaaday in aan kuula kulmo  si an u qiimeeyo cadeeynmaha Jaceyl ee aad ii Hayso .
Waxaan kaa rajeynayaa in hadalkaaga uusan noqon mid qiyaano , waana suura gal in nolol daacad kuwada noolaano .

 
Fariin Qof Jaceyl Qarsanayay:
In badan oo aan Jaceylkaada ku qariyay Qalbigeyga waa kan isaga oo haatan banaanka isa soo dhigay iyadoo daaqad walba oo uu furay-na qalbigeyga uu ka qaabilay falaarta Jaceylkaaga iyo labadaada indhood ee qurxoon .
Waa ikan aniga oo ku dhiiraday in aan fariintaan ku soo qoro si aan kuugu muujiyo sida aad qalbigeyga ugu qoran tahay iyadoo qalbigeygana dhaawacan yahay ka dib markii uu xoogeysaty sida aan kuula dhacsanahay , waana igu kocbay mana ka sheegeyn karo Kaligey.
Hala yaabin erayada aan kuu soo qoray maxaa yeelay Jaceylka aan kuu qabo ayaa sidaan iga yeelay oo guud ahaan mil kiyay nafteeyda waxaan ku jeclaaday Jaceyl kan ugu weyn kaasi oo awood u leh in dunida oo dhan uu saameeyo.
Xubin walba oo jirkaada ah waa ay ii yeereysaa , shaqsiyadaada , indhahaaga raganimadaada/naagnimadaada , fadlan baaqaasi oo dhan ee qalbigeyga ka soo baxaya igula eeg qalbi naxariisan.
Hadduu gacmahaaga aan ku soo rido amaanadaasi waxaan rajeynayaa in aan gaarayo Jaceylka macaan ee sareeya , waadna igu farxad gilineysaa in aan gaaro riyooyinkaasi oo dhan .
Haddii waxaase oo dhan aan gaari waayo ogoow in badaha muragada galay oo aan qof aan adiga aheyn aan dooneyn wax walba oo dhaca .
Qaali ku kalsoonaaw in aan kuu ahaanayo daacad
 .
Jawaabta fariinta:
Qaali/qaaliyoo ogsoonaaw in aan doonayay in aan noqdo qofka ku horeeya fariintaani oo aan doonayay in aniguba kuugu muujiyo baaxada shucuureed ee aan kuu qabo .
Balse mar waliba oo aan qalinka iyo waraqada is dul saaro ayaa waxaa ii diidayay qalbiga oo lahaa hadal ku gudbi fariintaani culus .
Ma qarinayo in aan horay ula dhacsanaa hanaankaada , deganaashahaada isu dheeli tirka quruxdaada , mana la yaabayo in eegitaankeygii uu ii igu filnaa in uu soo bandhigo quruxdaada .
Ku kolsoonaaw qaali/qaaliyoo in aan noolaaneyn la`aantaada oo aan dhibka Jaceylka iyo
 faa'idooyinkiisa aan kuula qeybsanayo .
Xabiibi/xabiibti waxa uu qalbigeyga u furan yahay in uu qaabilo uu soo dhaweeyo wax walba oo ka soo go'a qalbigaaga daacadna waan kuu ahay si aan guul u gaarno
from......your love
to..........apart of my heart
iga gudoon marka hore salaan la isu diro tan ugu qiimo iyo qaayo badanoo kaaga soo go
,day qalbi furan , niyad faraxsan iyo naf kuu ooman inttaa kadib:
beerka iyo wadnaha iyobogaad iiga taalawaan bukaa ayaamahan waxaan baadi goobaa
bidhaantaada wacan iyo aragaaga bilicda leh baa hideeydu waxeey tahay inaad iga bad baadiso
boholyoowgaan I heeystiyo baahida aan kuu qabo hadaadan I bad baadinin
boodhari baan la daris noqon a I badin dibaatee bar barkeeyga I maaw oo iga bogsii dhibaatadan
from:naf jaceeyl la ildaran calaacal 
ku: naflihii aan noolaha oo dahan u jeclahay
maxaa dhacay walaal
ma miirkaa lagaa maray
ma iloowday wanagii 
ma daayacday jaceeylkii
aan muudsanay macaankiisa
maxaad ubaxii jaceeylkee
mudada dheer dhisnaay
uga digtay mudankiisa
mid aan salba laheeyn
maalmaha aduunyadu
ninba markiisa waayay
manta hadaad xumeeysay
macna mala walaal
moow lahaase ka weeyn
aniguse mar keeyga
kaa aarsan mayo 
markaad soo rajuucdo
mar xabaan ku leeyahay
gacaliye/gacalis hadii aad I xumeeysay waxba kama qabo ilaaheey ayaan talo saartay
lakiinse ogoow inaaan ku jeclahay waqti kasta oo aanan marnaba ku hilmaami doonin.
From:qof aan dan kaa laeeyn Calaacal
......Quruxdaba dhamaanteed Qofkii loo dhameeyee Eebbe qiimo siiyee Qab weeyni bilaabaa
Qiimo isu yeelaa Aayadaa quraankiyo Qiyaamaha hilmaamaa Qowlkii eebbe sheegee
 
Qofbaa ku waano qaato Qiimo looma yeeloo Dulka lagama qaadoo Qalbiga kii aan ku haayay
Niyadeyda qaadee U qashuucay kaligii Quudareeyay waa hore Inaan quud la wadaago
Iska daa qiimeeyn ee Qas iyo wareerbuu Qalbigeeyga ku beeray Naf jaceeyl qaribayna
 
Kuleey quusan meeysee Waa inaan dulqaataaQaadirkeey talo saartaa
To:qof aan aad u qiimeeyo

Ma ahan jaceeylku wax ku cusub dunida mana ahan wax lala yaabo waana shay
qaali ah waxaana u maleeynayaa dadkuwaxaa u nasiib badan qofkii la jeclaado inkastoo
ay sidaas tahay arinkaad iga soo codsatay waa arin wanaagsan balse aan anigu wax ka
qabin Karin waayo?waxaan I heeysta mashquul aad u weeyn mana awoodo
inaan faraha la galo arimo jaceeyl ma ahan inaad qalad iga 
Fahanto mana ahan inaan ku xumeeyo balse wa cudur daar uu igu qasbay
culeeys I heeysta sidaas daraadeed waxaan si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanayaa inaad iga raali aaato:
Xumaan kuuma quuroo Tag kuma oran karo Kalmadaan ku leeyaay
 
Kibir adigoon u aragoo Kalsoonidaas fahmaayo Ku qanci naftaada
 dhanbaal macaan 1
Gacalo iga hano salaan aad iyo aad u qiimo badan salaantaasoo ka caraf badan miskiga, ka macaan malabka, ka qiimo badan diamond-ka, ka culus buuraha. Taasoo ka soo go’day qalbi si kal iyo laab ah kuu jecel, naf kuu hanwayn adiga kuna haminaysa kasbashada qalbigaaga qaaliga ah. Gclso waad la yaabi doontaa sababtaan warqaddan kuugu soo qoray anagoo maalin walba ku sheekaysanna netka telkana iskala hadalna, balse haka fakarin taa waayo qalbiga ayaa doonaya inuu kula xidhiidho oo kaa warqabo xilli walba kuuna muujiyo hadba dareenka nafta iyo heerka uu ka marayo jcylkaagu. Xubi aniga jacaylkaagu meel halis ah buu iiga yaallaa, wayna adagtahay sidaan kuu hilmaamo, waligay isma dhihin oo kuma fakarin intaa in le’eg ayaad qof jeclaan doontaa balse noqotay oo dhacday inaan sidaa kuu jeclaadee, macaan ha noqon mid igu cidlaysa jacaylkaas oo meel bannaan iiga dhaqaaqda. Qalbigaygu wuxuu ilaashada naftaada si uu u hanto jcyl waara, anigu waxaan ahay adiga! Ee adna noqo anigaKoleey waa aduunyee Mahadsanid
 dhanbaal macaan 2
Qaali , nolosha aduunyada ayaa sidaa ah, huuno fiicnaan lahaydaa inaad qalbigayga arki karto waayo waxaad ogaan lahayd sidaan daacad kuugu ahay markaasaad dhib jacayl iga dhowri lahayd! balse waxaan rajaynayaa inaad ogaan doonto inshaa Allaah.  waan ku jeclahay gacaliso, ifka noloshu waa adi, kaama maarmo oo qayb ka mid ah noloshaydi baad tahay, macaanto fadlan ila fahan jacaylka aan kuu qabo baaxaddiisa si aan u guranno mirihiisa, ogoow waxaynu dhisaynaa aasaaskii guri aan dagi lahayn si aan mustaqbalka ugu noolaanno. Macaan si fiican u akhri ereyadaan:

Ifka taan ka doortaay…  qurxooney…ubixii naftaydaay….ilmadayda qubatiyo…ila arag jacaylkaan… adi kuu ilaashoo..aawadaa u beeriyo.. inanyahay adduunyada.. inta dumar la uumee… afrikiyo oroobba leh… adaan kaa astaystoo… naftu ku ogolaatee …adna ila ogsoonoow!
 
dhanbaal macaan 3
Gacaliso jacayl xaasid ma waayo ayaa horay loo yidhi sidaa awgeed dedaal adag ayaa la inooga baahan yahay si aan ugu guulaysanno hadafkeenna iyo hamiga aan wadanno. Anigu waan kugu kalsoonahay ee igu kalsoonoow, lagama yaabo in la igu kaa diro ama sadexeeye ii sheeko xumeeyo waayo jcylkeena ayaa igala wayn. Macaan wan ku jeclahay, si dhab ah oo aan dhalanteed ahayn, si daacad ah oo aan khayaano ahayn. Si run ah oo aan been ahayn, waan ku jeclahay oo danta aan kaa leeyahay waa guur iyo guri xalaal ah oo aynu yagleelno Alle ha inoo aqbalee. Macaanto qiimaha jacaylku leeyahay waxaad ogaan kartaa marka aad haysato qof ku jecel adna aad jeceshahay oo aad qaybsataan nolosha, farxad iyo murugaba qaybtiisa qaadanaya. Jacaylkeennu waa curdin oo waa ugub mar dhow dhashay hadaba sida ilmaha hadda dhashay loo ilaaliyo oo kale ayuu doonayaa in loo ilaaliyo si uu koro oo u hanaqaado.
dhanbaal macan4
xasuuso oo xushmee jacaylka, qadari kalgacalka, ixtiraam wada socodka iyo xiriirka, adkee oo ilaali axdiga, ha jabin ballamaha, koolkooli caashaqa, iga ilaali dhib anna waan kaa ilaalinayaaye, I qadari oo ii xushmee maadaama aan ahay naf ku jecel rajaynaysana mustaqbalka inaad afo lagu baraaro u noqoto inshaa Allaah. Macaan maskaxdaada u isticmaal inaad uga fikirto kuna kala garato wixii xun iyo wixii san. Ahoow qof dhowrsoon oo ilaalisa diinta iyo dhaqankeeda soomaaliyed. Qiyaas oo cabbir jacaylka aan kuu qabo baaxadiisa iyo sidaan ugu heellanahay inaan jacaylkaas qiimeeyo oo ilaaliyo. Naftu adigay ku rabtaa xilli kastana adaan ku soo xasustaa mar mar kaligay baa iska ilmeeya mcn anoo haysta picturekaaga, sawirka ayaan la hadlaa oo u sheegaa inaan jeclahay iimase jawaabayo, sorry! markaasan ogaadaa hadana inuu picture yahay oo uusan hadlayn, maalintii dhowr jeer hadaanan codkaaga maqlin ama sms kaaga arkin deganaan la’aan baan dareemayaa iyo wal wal.habeenkii kaligay baan sariirta ku fakaraa anoo ku fakaraya sidaan jacaylkeenna uga guul gaari karno, macaan ilove you for eve
dhamaat dhanbaal 5
Gacaliso ugu danbayntii waxaan kudhahayaa “waan ku jeclahay” qalbigayguna aduu ku doonayaa oo kuu oomman yahay macaan farxad iigu nooloow ha murugoon waligaa oo dhib Alle kuma tuso, aad baan kuu jeclahay kulamana rabo wax ku dhiba inaad aragto mcn, gacaliso farxad iyo damaashaad iyo rayn rayn ku nooloow.


No comments:

Post a Comment