Isbadel Dhab ah Hoggaan Daacad ah Mustaqbal Wacan Intaba Waa Yaasiin Cadde

Kaama baxsan karo xusuustaada,xitaa riyada waad ka dhex


Kaama baxsan karo xusuustaada,xitaa riyada waad ka dhex muuqataa,cadaaladna maahan sidaad u tagtay adigoon gadaal soo eegin si xawaare lehna ku socda anigana weli waxaan ku dhex noolahay marxaladii aad igu ogeyd.



Ugu dambeyn waxaan isku dayaayey inaan ka gudbo inaan dib kuu aamino,islamarkaana aanan kuu baahanin,waxaana garwaaqsanaayey inaad
heshay qof kale,laakin wax walbo daqiiqado ayey isku bedeleen markaad ii muujisay qalbi furnaan,adigoo weliba ii muujiyey rajooyin cusub.




Weli Amran waxaan kuu sidaa ubaxii udgoonaa,mana qalalin caleemihiisa,waayo waxaan ku quudiyaa waa illinta caa


shaqeyga,mana awoodi illintaas inaan gacanta ku Masaxo,ha gaarin go’aan aad ku jawaabto,hadii aad weli dooneyso inaad hubsato,hana dhihin weligaa kuma jecli hadii aadan jecelylkaas ka maarmi karin,waayo kelmadaas waxay ii dhaawaceysaa si qoto dheer.



Mararka qaar waxaan ku fekeraa iney wanaagsaneyd inaanan noloshaba ku kula-kulmo,maxaa yeelay waxaan ku seexan lahaa sariirteyda si nabad ah,qiimaha jaceylkana Amran wuxuu ii ahaan lahaa dareen qurux badan oo farxad lagala kulmo.




Sideen kuu ilaawaa hadiiba aad marwalbo maskaxdeyda ku jirto? Sideese kaaga kaaftoomaa hadiiba waxa keliya nolosha aan u tebaayo aad adiga tahay? Iima fududo inaan ku siidaayo daqiiqad walbo waa ay iiga culus tahay tii hore hadii aan dhinaceyga kaa waayo mcn amran.
Sidee aanan kuu jeclaan mar hadiiba qalbigeyga uu gacantaada ku jiro Xabiibti?

No comments:

Post a Comment