Isbadel Dhab ah Hoggaan Daacad ah Mustaqbal Wacan Intaba Waa Yaasiin Cadde

Fariimo Jaceyl : Qoraxda Waxa Ay Soo Dirtaa Dahab Dayaxana Dheeman Anna Waxaan Kuu Soo Dirayaa….



1- Waa dareen aad u macaan badan marka aad ogaato in uu jiro qof ku raadinaya marka aad maqan tahay .
2- Haddii la i yiraahdo kala dooro hantidada Qaaruun iyo jaceylkaada
waxaan dooran lahaa hantida Qaaruun si an hadiyad ahaan aan kuugu keeno .
3- Imisa dayax ayaa jirta ? waa labo mid cirka jira iyo midka

aqrinanaya fariintaan waana adiga Amran.
4- Qofka waa uu iloobaa wax uu soo iibsaday ,,,, balse ma iloobo qalbi uu jeclaaday .
5- Qoraxda waxa ay soo dirtaa dahab dayaxana Dheeman aniga oo Yaasiin ah waxaan kuu soo dirayaa jaceylkeyga oo waligiis taagnaanaya .
6- Haddii la isu geeyo maalmaha farxadda ee nolosheyda dhab ahaan xittaa ma gaarayaan hal daqiiqo ee aan kula joogay .
7- Waxaan filayaa in hooyadaa ay aheyd Shini,, ma dareensan tahay sababta? maxaa yeelay malab ayay dhashay waana adiga Amran Qurux.
8-. Dayax ayaan kuu soo diray si uu wadada kugu ifiyo ,, isaga oo careysan ayuu igu soo laabtay waxaan ku idhi maxaa kugu dhacay , markaas ayuu iigu jawaabay waxaad ii dirtay iftiin indhaha iga soo riday Waana adiga amran Xabiibti.

No comments:

Post a Comment