Isbadel Dhab ah Hoggaan Daacad ah Mustaqbal Wacan Intaba Waa Yaasiin Cadde

SMS LOVE,Fariimo Jaceyl:Dhakhtarka Jaceylka Waxa Uu Ii Soo Qoray Dawaadaan Ee Ma Kaa Helayaa Macaan


*Macaan taqtarka jaceylka waxa uu maanta isoo qoray in aan ku helo si caafimaadkeyga uu u soo laabto .
Dawooyinka uu ii soo qorayna waxa ay kala yihiin 4-jeer oo aan helo
dhoola cadeyntaada xiliga quraacda , 4-jeer oo qosolkaada ah xiliga qadada , 4-jeer oo farxadaada aan dareemo xiliga cashada .
Lacagta daawadaasna ee taqtarka doonayana waxa ay tahay aniga oo hela fariimahaaga jaceylka qaali SMS me qalai

*Bishimahaaga saar afkeyga si aan u helo caafimaad ,,ogaaw waxaad tahay qofka i baray waxa aan ahay iyo waxa aan ahaanayo .

*Qaali booliskeyga xiisaha waa ay kugu soo maqan yihiin, ciidamadeyda kalgaceylkana waa ay ku qabsanayaan hadaba diyaar ma u tahay Jaceyl lagu badalanayo nabad ( aad ayaan kuugu xiisay).

*Iga Raali noqo xabiibi su`aal ayaan ku weydiinaya suura gal ma tahay in aad aamisan tahay in aan farxad ku noolaanayo adiga oo iga fog? waa ay adag tahay oo waa mustaxiil

*Qalbikeyga adiga ayaa dhaawacay , jaceylka adiga ayaa dambi ka galay , adiga aya doortay in aan kala fogaano hadana waxaad leedahay waan ku tabayaa(Amaanka isii waraa wax jira ma tihidee kkkkk).

*Alla maxaan ku riyooday maalin in aan noqdo ubaxa aad saareyso wadnahaaga, iga ogalaaw qaali in aan ku dhex dhigo wadnaheyga oo aan ku cabsiiyo wabiga dhiigeyga .

*Ogaaw qaali jaceylkaaga waxa uu ii yahay furaha aan furnayo farxadda aduunka ee iga maqan .


Yasin Hussein Mohamed

XGSH.

No comments:

Post a Comment