Isbadel Dhab ah Hoggaan Daacad ah Mustaqbal Wacan Intaba Waa Yaasiin Cadde

U Gaar Ah Dumarka:Ma Dooneysa In Shaqsiyadaada Ogaato?Sida Aad Dharka Isaga Bixiso Ayay Ku Xiran Tahay.

Habkaan gaaban waxaad ku ogaan gartaa gabaryaheey shaqsiyadaada si sahal ah adiga oo eegaya habka aad dharka isaga bixiso ee aad u joogteyso. Si Tartiib Ah:Hadaad si tartiib dharka isaga siibto waxaad tahay gabar si weyn isugu kalsoon , caqli badan , neceb dooda iyo wax waliba oo qaylo keenaya sida codka Tv-ga , Musicada , waxadna jecashay in firaaqadaada aad kaligaa isla qaadato.
Si Deg Deg Ah: Waxaad muhiimad siisa dadka kale , qof wanaagsan kuna haboon meelaha geesinimada u baahan waxaad si gaar ah ahmiyad u siisa arimaha qoyska naftaadana waad u hurtaa .
Si Taxadar Leh:Hadii aad isaga bixiso dharka midba sida uu yahay si deganna aad u dhigeyso hadaba waxaad tahay gabar wax ku ool ah , jecel nolosha degan iyo maamulka wanaagsan , waxaadna tahay gabar ka fogaato dhibaatooyinka qoyska ,
Daryeelid la’aan:hadii aad dharkaada meel isag tuurto kana soo bixisid waxa ay taasi muujineysa in aadan mas`uuliyad qaadi karin isla markaana tahay gabar foodaaley ah .
Marka hore ma waxaad bixisaa (iska siibta)waxyabaha mujoowharadaka ah ee la isku qurxiyo sida faraantiga ,saacadda iyo waxii la mid ah hadaba ogaaw waxaa tahay gabar qaboow , dareen badan , Romantic ah isla markaana si weyn dadka ahmiyad u siiya ,waxaadna jecashahay howlaha bani’aadanimada .
Marka hore ma waxaad iska siibtaa kabaha iyo sigisaanat:hadaba waxaa tahay gabar ku dadaaleysa isu dheeli tirnaanta , xishood badan , fikrad badan mana jeclid in dadka aad dhibto ,shaqadaadana si toos ayaad uga soo baxdaa.
Marba si miyaad dharka isaga dhigtaa:hadaba hadii haa ay tahay waxaad tahay gabar foowdo badan , mar walibana jecel in nolosha wax ka bad-basho , xafladaha xiiseya iyo meelaha buuq ah , wad is biimeysa , nolosha meel gaaban ayaad ka fiirisaa , marba sida xaalka uu yahay ayaad u dhaqantaa .

No comments:

Post a Comment