Isbadel Dhab ah Hoggaan Daacad ah Mustaqbal Wacan Intaba Waa Yaasiin Cadde

Marka Hore Salaan?!! Marka Xiga Sidee Tahay..?


 
marka hore salaan marka xiga sidee tahay..?
(hadiyad weeye qaali ah)
(ileys weeye soo baxaaya)
(hillaac weeye ifaaya)
(ugub weeye jacayl)

 
sooyalka dhanbaalkiyo himiladaydu waa doog.
dulucda hadalkiyo ujeedkaygu waa aayatiin wacan.
hal abuurkiyo jacaylkaan maanta u hagoogtay
saadaashaydu´ onkod weeye xiimaaya.
dayax weeye nuuraaya´aas´aas weeye jacayl´

 

haduusan caashaq jirin ama aan jacayl qabin
sidaan ahay mid jeelgalay ama nin jujuuban
jeesjees anigoo ka caagan jiljileec uma hadleen.......
 

taariiqda caalamkiyo dhacdooyinka aduunka
horyaal weeye caanshaqu
baal aan la illaabin weeye jacaylku
(qays)buu wadna jaroo isagoon aduun nicin
luxudkii aaqiriyo u gelbiyey xabaashii
(laylana)daba dhigoo kasiibay xayaatadii
iyadoon digniin qabin´dabajaray noloshii macaanayd..
 

(cali maax)baa ku caanbaxay jacayl
iyo malabkiisii
(cawrala)
jacayl buu ahaa kay la rafaadeen
mawjadihiisa laxawga badan
ilaa midkood caashaq dilay
kan kalena meel ku ooyey´
(cilmiba)dhibtuu kala kulmay jacayl´aadmiguba ogsoon
(hodan)tuu la maray dhib iyo hoog
uumiyaha waydii.....´
 

ustaadyada tacliintiyo inta falanqaysay jacayl
way u caleema saareen inuu salbalaaranyahay caashaqu
way sifeeyeen inuu sun yahay jacaylku
hadaan nasiib wacaniyo leeyahay calaf haboon
(saatiroow) (ilaahoow)(baaqigii)na´uumaywaa adiga´e
dooqadii naftayda een dunida ka ishaartay
wehel iiga dhig oo sawjadayda ka yeel´
.....................................................
suubaneey adna hay saluugine
milicso ujeedkaygu waa diinaar
sidaan rabo ilaahay baa oge´
(wallaahi)saxar kuma tuso.....
 

hadimada caashaqaan la daris ahay
sidii hirarka badwayntoo kale
hadba meel baan wajahaa
xidigahaan tira koob is iraa
duurjoogtiyo cidladaan miciinbidaa
garaaca wadnahaygaan wehel ka yeeshaa
siday ii muday qodaxdani kama bogsoonwaliye
way muuqdaan nabaradii boogta...
..............................................................
tanna way ii dheertahaye colbaan ka goostay
ehelkiyo intaan asxaab wadaagnay
illeen jacaylku waa cadaawoo ciil itire waa
(ilaahay)...
 

haduu dhiigu burqanayoo dheecaanku qubanayo
hawl wadiinadii jirkuna ay sayrayaan hawlihii shaqo
dooqiyo rabitaankuba haday kula duubteen
maryooleydiyo hadaan kaa xushay aadmigii dumar
billaahi aan u maray jacayl wadaageena
natiijadu ma dayraa..? murug iyo walbahaariyo
aayatiinkaygu ma ciilbaa..?
(mawle)waa(ilaahaye)
sidaan ahay miskiin noloshaydu ma caynkanaa......?
 

kaftan hadaad maleysay qayladhantiyo dhawaqayga cashaq
dhaaxaan dhul dhac ku sigtoo warba adigaan iihayne´

dhaawacan i gaarayanigaa hortaa mooday fudeeyd
sawaxankiyo cagajuglaynta caashaqa sahal baan u haystoo
waad ka baanatay baan lahaa´´
nafsadaan jujuubayoo been u sheeg islahaa
hayeeshee maguuraan waa jacaylka runta´e
dib bay iisoo wajaheen mawjadihiisawalbahaarka leh..
 

dabaylaha caashaqaan dhex dabaalanayaa
hadba meel baan ku ooyaa ilmadaydu qubataa
sidii inaan buko´ gibilku wuu xanuunaa
asaagaygu hadayfarxad ku cabeeyaan
anigana caloolyoow baan la dhuuntaa.
farmuuq baan is moodaa oogadu jiriricootaa.
fallaaraha jacaylkana iyagoo mariid leh
wagii baryaba iyagaan la kawsadaa
...................................................

xiisadihiisajacaylkana dareen baan u hayyaa
qulqulatooyinbaan la kulmay intaan jiray´e
duufaantiyo aaladihiisa taaha badan
iyagan i dayne way i dabarogayaan runtii.
durduradaan dhex lugaynaayo
iyo saxarahan´ dheeree geeridu halis tahay´
jacayl baa i badaye(allow)sahal muuraha...
 

tusmayso sida ay ii dooxeen waramada jacaylku
laxawgiyo xanuunka caashaqa inaan u liito awgaa.
tacabkii aan ku hoobtay iyo halkii aan deymoonaayey
inaad adiga tahoo daajintaada mooyee danahaygii illaabay
dadka waan lacollooboo adigaan saaxib kula ahay.....
 

calamadaan lulayaayaa(lillaahi)baanu ahay
mawduucayga maanta qadarin baan uhayyaa
samaantiyo waanaga sadrigaan kuhaayaa
hayeeshee siday tahay aduunyadu
waqtigaa kala rogan ooxiliyadaan islahayn.´
meelna surun barwaaqiyoaroosyadoo loo dabal dego
suuqyadaa camiran´meelna saxarkiyo dhibtaada.
naxashka lasii wadiyo cidbay tacsi utaal´hayeeshee
waan sasabayaa naftoo illen saxar kama dhamaado waayaha.
 

ogsoonow nasiibku waa adigoo hela naf kuu nugul
waaguul iyo billad aan lahelin jacaylku´e
waxba yaan dhinac marin muhiimadee
(habooneey waan ku jeclahay)........
gayigu wuu oomoo illeen way ka dareen abaaruhu
macluul baa jirtee illeen ma´aamusaan bishimuhu
xaajadu ma sahlanee gurmad baan doonayaa
ciil baan dhex jiifaaye hiillo makaa helayyaa..?
wax qabad iyocadaalad waalama hurane
mayla dhadhaminaysaa dheeftiisa jacaylka..?
waxaan kaaga fadhiyaa jawaab farxad leh
iyo taaba galinta jacaylkeena......
allaha ku dhawro allaha kuu danbi dhaafo
waad u saraysaadad iyo dubaag
iyo inta aan aduun kula kulmay.........
 
 
Waa naf dooratay aragtidaada, damiirkeeda shaqsiyadeedna uu cabbiray in aad adiga u noqon karto hormuud. Taasoo ay sababtay gacaliso nafteeyda oo kuu qabto haraad xooggan.
Waxay hanashadaadu ii tahay horumarka nolosha, horjoogaaguna waa ii naruuro, la noolanshahaaga waa ii nasteexo, la aantaa noloshu wax micno ah ii ma sameeyneyso.
Waxaan ahay ruux kaa eeganaya aadmiga oo idil. Waxyeelku waa xumo gurigeed. Doonisteydu waa mid saldhigeedu yahay mustaqbalka aayaha danbe.
Indho urooneey, hididdiiladeydu waxay ku haboonaan lahayd anigoo hooy kula gala oo aad noqoto hooyo ubad leh.
Sibiq tii sal iyo baar ku saaqday nafteeydaay. Sekenkaan soo xusuustaa suuradaada wacaniyo, suubanaanta asluubtiyo samirkiyo dulqaadkaa, salalaa saqdii dhexe. samri waayay saluuglaay, saadaashii nafteeydaay, soow suntiisii jaceylku ima goynin seedaha, saacaddii i dhaaftana salaloo ma seexdo`ee.
Naftaan jeclayeey silic dilyootay nafteeyduye. Samri waayay la`aantaa, samri waayay la`aantaa, samri waayay la`aantaa. Ee Adiguna Macaaney/Macaanow Si Daacad Ah Wax iila Qabo Fadlan.
Runtii Macaanka Ma Ahan Jacaylka Aan Kuu Qaba Mid Dhalaanteed Ah Ee Waa Mid Ku Saleysan Dhabta Iyo Mustaqbalka Sare Islamarkaan Ka Turjubayo Nolol Waarta Iyo Raaxa Macaan Badan.
Macaanka Bini Aadamka Waxaa U Nasiib Badan Qofki lajeclaadey Inkastoo Ay Iminka Muuqato Xiriir wanaagsan Hadana Waxaa Inta Badan Loobaahanyahay In La Dhowro Jacaylka Islamarkaana Lasiiyo Tix Gelin taa Hadaba Waa Midda Lagu Gaaro Horimarka Jacaylka Lamaanaha Ah Markaa Waxaa La.orankaraa Waxa Uu Gaaraa Jacaylka Heerkii Loo Baahnaa.
Anig Xageyga Hadaan Ka Hadlo Xumaan Kuuma Quuro Waxaan Culeyska Saarayaa Jacylka Dhabta Ah Ee Aan Kuu Qaba Sidaasi Darteed Waxaa Iga Mudan Tahay Xushmad.
Macaaneey / Macaanow Runtii Waxaa Haboon Inaa Fahamto Kasoonida Iyo Rabitaanka Aan Ku Siiyey Waana mid Lagaa Doonayo Inaad Naftaada Iyo Qalbigaaga Ku Qanciso.
Runtii Inta Aan Ku Noolahay Dunida Naftu Waxay Isii Say Inaan Qalbigeyga Kuu Hibeeyo Ee Adna Kaaga Ii Hibeey ok Macaanka Waana Mahadsantahay.Hadii aad

 idhahaa ku doogsadaa  qalbiguna ka sii daran 


E-Mail: flower210@hotmail.it


No comments:

Post a Comment